Baarlamaanka Zimbabwe oo ka dalbaday Mugabe inuu hor yimaado

Xigashada Sawirka, AFP
Baarlamaanka dalka Zimbabwe ayaa ka dalbaday madaxweynihii hore Robert Mugabe inuu hor yimaado, si uu u cadeeyo hadallo uu horey u sheegay oo ku saabsanaa in si weyn loo boobay xadi badan oo dhaymanka dalkaasi leeyahay ah.
Mr Mugabe ayaa wareysi uu siiyay telefishinka dowladda waxa uu ku eedeeyay sanadkii 2016-kii in shirkadaha shisheeye ee qodda macdanta ay "xadaan" ayna "dhoofiyaan" dhaymanka dalkaasi.
"Shirakaduhu waxa ay si cad u xadeen kheyraadkeena, ayuu yiri Mugabe, waxa uuna intaasi ku daray in lacagaha ku jira khasnada dowladda ay ku timid hoos u dhac lixaad leh.
Ma cadda in madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo 94 sano jir ah uu ogolaan doono inuu hor yimaado guddiga baarlamaanka iyo in kale.
Mugabe ayaa lagu qasbay inuu xilka ka dego bishii Diseember ee sanadki lasoo dhaafay kaddib markii milatariga dalkaasi uu xukunka la wareegay, hase yeeshee wali Mr Mugabe waxa uu ku naaloonayaan sharafta ah inuu yahay madaxweynihii hore ee Zimbabwe.
Dhanka kale, dowladda UK ayaa sheegtay "inay si weyn u taageereyso " inay Zimbabwe kusoo laabato wadamadda ku bahoobay barwaaqa sooranka, kaddib wadahadalo London ku dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Britain Boris Johnson iyo dhigiisa Zimbabwe Sibusiso Moyo .

Xigashada Sawirka, Reuters
Mugabe ayaa lagu qasbay inuu xilka baneeyo bishii Disember kaddib marki milatarigu la wareegay xukunkaGeneraal Moyo oo ah haatan wasiirka arrimaha dibadda ee Zimbabwe ayaa ahaa ninkii ku dhawaaqay in milatariga Zimbabwe ay la wareegeen xukunka dalkaasi bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, taasi oo horseeday in Mr Mugabi uu xilka baneeyo.
Inkasta oo Mr Johnson uu sheegay in Zimbabwe ay wali tahay inay xaqiijiso in doorashooyinka sanadkaan ay noqdaan kuwa xor iyo cadaalad ah , ayaa hadalkaasi kasoo yeeray wasiirka waxaa cambaareeyay siyaasiga ka tirsan mucaaradka David Coltart, kaasi oo sheegay in hadalkaasi yahay "wax laga naxo".
Dalka Zimbabwe ayaa isaga baxay xubinnimada wadamadda ku bahoobay barwaaqa sooranka sanadkii 2003, kaddib markii lagu cambaareeyay tacadiyo ka dhan ahaa xuquuqul insaanka oo dhacay, xiligaasi oo Mugabe uu dalka xukumayay.












