Beeraleyda Gaarisa oo ka cabanaya daadad ku soo rogmaday beerahooda

Qoraalka Codka, Beeraleyda Gaarisa oo ka cabanaya daadad ku soo rogmaday beerahooda
Published

Daadadka ka dhashay roobabka gu'ga ee xilligan ka da'ya Geeska Afrika gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxa ay saameyn ba'an ku reebeen beeraleyda Gaarisa oo dalagoodii intiisii badnaa ay biyuhu la tageen.

Haddaba Daahir Maxamed Qanyare waxa uu ka mid yahay beeraleyda webiga Tana ee mara magaaladaasi Gaarisa, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay.