Dadaalada looga ciribtirayo cudurka Maleeriyada Soomaaliya oo dardar ku soconaya

Qoraalka Codka, Dadaalada looga ciribtirayo cudurka Maleeriyada Soomaaliya oo dardar ku soconaya
Published

Sida la sheegay heerka cudurka duumada ee dunida oo dhan ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2009-kii. Goobaha cudurka duumadu ku badan yahay ayaa gargaar caafimaad loo fidiyey, waxaana ka mid ahaa 22 tuulo oo ku yaalla Somaliland iyo 3062 guri oo ku yaalla Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo laga buufiyay kaneecada isla markaana waxaa shacabka la siiyay macluumaad la xidhiidha sida ay kaneecada isaga ilaalin karaan. Hase yeeshee, badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayay wali duumadu ku badan tahay sida ay tibaaxeen xogo laga soo ururiyey gobolladaasi.

Dr Cabdiqadir Sheekh Cumar Axmed, oo ah ku xigeenka madaxa waaxda malaariyada ee wasaaradda caafimaadka dawladda federaalka, ayaa cudurkaa duumadu sida uu ku yahay goboladaa uga waramay weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan.