Kalluumeysatada Berbera oo markii ugu horeysay loo sameeyay sariibad ay ku qalaan

Qoraalka Codka, Kalluumeysatada Berbera oo markii ugu horeysay loo sameeyay sariibad ay ku qalaan
Published

Kalluumeysata magaalada Berbera ayaa markii ugu horraysay loo sameeyay sariibad u gaar ah oo ay kalluunka ku qalaan kuna iibiyaan. Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige, oo shaqo u tegay Berbera ayaa tegay sariibaddaas kalluunka oo la hadlay kalluumeysatada sariibada isticmaala, macaamiishii iibsanayay kalluunka xilligaasi oo haween u badnaa iyo maamulka, warbixintan ayaanu nooga soo diray.