Shir ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ka furmaya Brussels

Qoraalka Codka, Shir ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ka furmaya Brussels
Published

Madax ka socota dowladda Fedraalka ee Soomaaliyaa iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu shir uga furmayaa caasimada dalka Beljim ee Brussels.

Kulankani ayaa waxyaabaha diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah qorshaha ku aadan sidii loo heli lahaa ciidamo qaran oo tayo leh oo howsha ammaanka dalkaa kala wareega ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Waxa ay ergada ka wadaxaaajoon doonaan sidii loo dajin lahaa waqti caymin oo lagu dhaqangalin karo qorsha xilliga kala guurka.

Hadaba si aan faahfaahin uga ogaaano ayaa waxa goor sii horeysay aan qadka taleefoonka kula xiriiray safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Adan Xasan Aadan oo ka mid ah ergada shirak ka qaybgalaysa