Lix qof oo Falastiiniyiin ah oo ku dhimatay qarax ka dhacay Qaza

Qaraxa ka dhacay Qaza oo ay ku dhinteen lix qof

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaraxa ka dhacay Qaza oo ay ku dhinteen lix qof
Published

Lix qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay marinka Qaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa sababay qaraxa ka dhacay Deir Al-Balah.

Garabka hubeysan ee guutada Izedine al-Qaasim ee ka tirsan kooxda hubeysan ee ururka Xamaas ayaa waxay qaraxa dusha ka saartay Israa'iil, halka ay ciidamada Israa'ilna sheegeen ineysan ku lug lahayn qaraxaasi.

Ila wareedyo ku sugan Falastiin oo soo xigtay wargeyska Israa'iil ee Haaretz ayaa waxay sheegeen dadka qaraxaasi waxyeellada ay ka soo gaadhay ay yihiin xubna ka tirsan ururka Xamaas.

Qaraxana uu ka dhashay waxyaabaha qarxa oo lagu hayey dhismaha qaraxa uu ka dhacay.

Xiisadda ka taagan halkaasi ayaa ka sii dareysay marki ay iska horimaadyo ka dhashay mudaharaadyo ay Falastiiniyiintu ku sameeynayeen xudduudda u dhaxeysa Israa'iil iyo Qaza mudaharaadyadaasi oo bil ka hor halkaasi ka bilaawday.

Israa'iil ayaa waxay sheegeysaa, ururka hubeysan ee xamaas oo gacanta ku haya Qaza inuu ku lug leeyahay abaabulka mudaharaadyada si ay weerarro halkaasi uga billaawdan.

Sabtidi ayaa waxuu xamaas uu Israa'iil ku eedeeyey iney rasaas ku furtay xaruun shidaal ayna waxyeello soo gaarsiisay goob laga soo gudbiyo gargaarka bani aadaminimada ee loo soo wado Qaza.

Qaraxa sabtida dhacay kaddib waxay Telefishiinnadu soo saareen muuqaallo qiiq aad u weyn uu k a muuqdo oo ka baxayo goobti uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeen u hadlo ciidamada Israa'iil ayaa wuxuu sheegay "iney dhacdadaani haba yaraatee ay Israa'iil ku lug ahayn".

Qaraxyada horay uga dhici jiray Qaza waxay ahaayeen kuwa ay geeystaan weerarrada cirka ee Israa'iil markasta oo ay isku dhacaan Falastiiniyiinta hubeysan ama kooxaha hubeysan ay waxyaabaha qarxa si aan munaasab ahayn u adeegsadaan.