Dumarka Costa Rica oo lacag lagu siinayo in ay guursadaan ragga Shiinees ah

Dumarka fuqurada ah ee dalka Cosra Rica ee Latin Amerika ayaa lagu soo waramayaa in uu heysto dhib cusub oo dowladda dalkaas ay baaritaan culus ku heyso.
Waxaa la sheegay in kumanaan dumarka dalkaas ka mid ah si wax isdabo-marin ah loogu guuriyo rag muhaajiriin ah oo kasoo jeeda dalka Shiinaha , kuwaas oo doonaya in ay helaan dhalashada iyo sharciga dalkaas.
Dumarka qaabkan lagu guursaday waxaa ka mid ah Maria oo 46 jir ah, waxaana la siiyay lacag dhan $175 doolar, taas oo ay iyadu aad ugu baahnayd si ay carruurteeda u quudiso.
Waxaa hawshan ka shaqaysta dad muqalisiin ah oo waraaqaha guurka kasoo saxiixa dumarka marka ay siiyaan lacagta kadib, iyada oo lagu balamayo in muddo yar kadib la furi doono haweenaydaas.
Balse xeer illaaliyaha guud ee dalkaas oo gacanta ku haya baaritaanka illaa 1000 dacwadood oo noocan ah ayaa sheegay in dhibaatada intaas kasii balaarantahay.
Waxa xitaa jira kooxo maafiyo ah oo xada aqoonsiga dadka, kadibna si ogaan la'aantooda loogu guurinayo qof aysan garanaynin, hadhoowna loo diiwaangalinayo in ay is fureen.
Kadib markii sanadkii 2010-kii la meelmariyay sharciyo adag oo dhanka dadka soogalootiga ah, ayaa sifada kaliya ee degenaansho lagu heli karo dalkaas ay tahay in la guursado haweenay u dhalatay dalkaas ama nin u dhashay dalkaas haddii qofka uu yahay dumar.
Dad badan oo Shiinees ah oo dalkaas taga ayaa usii gudba Maraykan, halkaas oo nolol wanaagsan ay ka raadsadaan.
Ragga oo kaliya ma ahan kuwa guursada muwaadhiniinta Costa Rica, ee sidoo kale waxaa jira dumar Shiinees ah sida gabadha lagu magacaabo Li Zhong , taas oo degtay dalkan.
Waxa ay ku kaftantay in ay sahlantahay in la guursado dumarka Costa Rica, ayna adagtahay guurka ragga.












