Muxuu Talyaanigu weli u raadinayaa hoggaamiye labo bilood kaddib doorashooyinka

Italy

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Shanta Xiddig ee Luigi di Maio (Bidix) ayaa ku soo baxay xisbiga keliya ee codbixintii March halka Isbahaysiga Matteo Salvini uu hoggaamiyo isbahaysiga midig-dhexe
Published

Tan iyo markii uu Talyaanigu noqday Jamhuuriyad sanadkii 1946 waxaa jirtay saadaalin fadhida oo ku aaddan siyaasaddeeda.

Muwaaddiniintu way codeynayeen, ma jiro xisbi helayay aqlabiyadda, qof walba wuu gorgortamayay, kaddibna dowlad wadaag ah ayaa la dhisayay.

Hannaanku wuxuu ku tiirsanaa bixi oo qaado, iyo heshiis.

Tobnaan sano, hannaankan ayaa arrimaha kala waday, wuxuuna ka hortagay in dalkaasi uu weligii qabto doorasho labaad isla sanad dhexdiis. Tan iyo sanadkii 1946 Talyaaniga ayaa qabtay 19 doorasho guud, tiro la mid ah tan UK.

Balse, sanadkan 2018, hannaanka Talyaaniga ayay caqabad soo wajahday.

Labo koox oo mucaarad ah, Dhaqdhaqaaqa Shanta Xiddig ee musuqmaasuqa ka soo horjeeda iyo xisbiga ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ah ayaa ku soo baxay doorashadii guud ee dhacday 4-tii March.

Hoggaamiyeyaasha labada xisbi midkoodna wax khibrad ah kama uusan haysan dowlad qaran.

Luigi di Maio - Dhaqdhaqaaqa Shanta Xiddig

Shanta Xiddig waxaa qayb ka aasaasay majaajiliistaha Beppe Grillo sanadkii 2009, waxaana loogu talogalay inuu noqdo xisbi ay ka go`an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo siyaasadaha rasmiga ah.

Dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa haatan hoggaamiya 31-jirka Luigi di Maio, oo ah arday hore oo sharciga bartay si mutadawacnimo ahna ula shaqeeya naadiga kubbadda cagta ee Napoli.

Di Maio ayaa ku qanacsan muujinta inuu u nool yahay sida muwaaddin caadi ah. Intii ay socdeen toddobaadyo wadahadallo dowlad wadaag ah, wuxuu qasriga madaxweynaha ku aaday gaari yar oo midabkiisu qalin yahay, intii uu ku aadi lahaa gaari nooca limousine-ka oo madow ah sida ay siyaasiyiin-dhaqameedyada kale sameeyaan.

Matteo Salvini - Isbahaysiga

Isbahaysiga Waqooyi ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1991 waxaana looga dan lahaa inuu isbeddel ku sameeyo gobollada waqooyi ee Talyaaniga ee dhaqaalaha badan leh. Sanadkii 2013, Matteo Salvini ayaa hoggaamiye ka noqday, wuxuuna xisbigii goboleed u beddelay mid qaran, oo la doonayay inuu hoggaamiyo dalkaas oo uu hore u rabay inuu ka tago.

Matteo Salvini, oo 45 jir ah, ayaa sidoo kale sheeganaya inuusan ahayn siyaasi-dhaqameed. Wuxuu u lebistaa si caadi ah.

Italy

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Shanta Xiddig ee Luigi di Maio (Bidix) ayaa ku soo baxay xisbiga keliya ee codbixintii March halka Isbahaysiga Matteo Salvini uu hoggaamiyo isbahaysiga midig-dhexe

Maxaa hadda is beddelay?

Soo labo-kacleynta Shanta Xiddig iyo Isbahaysiga ayaa ka turjumeysa sida aysan dadka Talyaanigu ugu faraxsaneyn hannaanka dalkaasi dhaqaalihiisa hoos u dhigay 0.3%, horseeday shaqo la`aan baahsan oo dhalinyarada haysata 32%, dhabqiyayna is dhexgalka bulshada.

Intii lagu guda jiray saddex wareeg oo wadahadallo ah kaddib doorashadii guud, madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, ayaa isku dayay dhisidda dowlada wadaag ah. Balse cedna diyaar uma ahayn inay taageerto.

Sidaa darteed, madaxweynaha ay xaaladdu ku adkaatay ayay haatan tahay inuu soo jeediyo sida kale ee laga yeeli lahaa: dhisidda dowlad dhexdhexaad ah oo dalka hoggaamisa ilaa dhammaadka sanadka.

Italy

Xigashada Sawirka, AFP

Arrintan ayaa hore u dhaqan gashay - waxaa laga xusi karaa markii dhaqaalo-yahanka Mario Monti uu beddelay Silvio Berlusconi sanadkii 2011. Balse tani waa taatikada uu madaxweyne u isticmaalo beddelidda dowlad xilli dhexe ku jirta, iyadoo aan midna la keeneynin isla markii ay dhacdo doorasho guud.

Maxaa dhici doona marka xiga?

Iyadoo aysan cedna kedis ku noqoneynin, Shanta Xiddig iyo Isbahaysiga ayaan muujineynin wax daneyn ah. Waxay baarlamaanka ka haystaan codad ay uga adkaadaan soo jeedinta madaxweynaha.

Shanta Xiddig iyo Isbahaysiga ayaa midkoodba wuuxu doonayaa inuu si toos ah ugu gudbo waxa ugu dambeeya ee madaxweynaha u furan - in isla sanadka dhexdiisa la qabto doorasho guud oo labaad oo aan hore loo arag. Waxaa jirta sabab fudud oo arintan loo sameynayo: xisbi walba wuxuu moodayaa inay horumarin karto booska uu ku yeelan codbixin labaad.

Balse ka warran haddii ay dadka Talyaaniga u codeeyaan si la mid ah sidii ay u codeeyeen codbixintii koowaad? Hannaanka qaddiimiga ah ee 70 sano jirsaday ee dalkaasi xaqiiqdii taasi uma hayo wax qorshe ah.