Trump oo soo dhaweeyay saddex nin oo laga soo daayay K/Waqooyi

Trump iyo Maxaabiista la soo daayay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump iyo Maxaabiista la soo daayay
Published

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalkooda ku soo dhaweeyay saddex qof oo u dhalatay dalka Mareykanka oo ku xirnaa Kuuriyada Waqooyi islamarkana imika la siidaayay.

Mr Trump ayaa sheegay "in habeen wanaagsan ay u tahay dadkan sharafta leh " ka dib markii ay ka soo degeen garoon ay leeyihiin ciidamada cirka Mareykanka oo ku yaalla meel u dhaw Washington.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in saddexdani qof la siidaayay ayna tahay calaamad muujinaysa wanaag ka hor kulanka lagu wado in uu dhexmaro Mr Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Mr Trump ayaa sheegay in goobta uu kulankaasi ka dhici doono lagu dhawaaqi doono "Muddo saddex maalin gudahood ah.

Muxuu sheegay Mr Trump markii ay raggani soo gaareen Mareykanka?

Mr Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa galay diyaaradda ka dib markii ay soo caga dhigatay saacadu markay ahayd 2:45 waqtiga Mareykanka, daqiiqado ka dib waxa ay soo baxeen iyaga oo ay barbar socdaan saddexdani nin mrkaasi oo ay warbahinta u gacan haadiyeen.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Mr Kim tilaabadaiisani ah siideynta "Xaqiiqadii uma malaynayn in arrintani aay dhacayso ka hor kulanka".

Mar la waydiiyay in arrintani ay tahay guushiisii ugu waynayd ayuu yiri "marka gacanka guud ahaan aan ka dhigo mid niyukleerka ka caaggan ".

Mar uu ka hadlayay kulanka dhici doona waxa uu yiri "Waxa aan u malaynayaa in aan yeelan doono... shir ay guul wayn ka soo hoyoto."

Maxay sheegeen ragga la siidaaye?

Saddexdani nin ayaa kala ah, Kim Hak-song, Tony Kim iyo Kim Dong-chul, ayaa dhoola cadeynayay waxa ayna u muuqdeen kuwa caafimaad qaba.

Bayaan ay soo saareen raga la siidaayay ayaa waxa ay ku sheegeen"waxa aan jecelnahay in aan muujino sida aan ugu mahadcelinayno dowlada Mareykanka , madaxwayne Trump iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mike] Pompeo in ay dalkeena dib noogu soo celiyeen.

Mike Pompeo, waxa uu laba mar la kulmay hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi muddo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mike Pompeo, waxa uu laba mar la kulmay hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi muddo

Siidee ku timid siidaynta?

Wax arrintan timid ka dib markii uu Pyongyang booqday Mr Pompeo si uu wadada ugu sii xaaro kulanka lagu wado in ay yeeshaan Mr Trump iyo Kim Jong-un.

Mr Kim ayaa sheegay in uu aqbalay codsiga Mareykanka ee ah in uu cafis u fidiyo saddexdani qof ee xirnaa.

Xukunkii lagu riday saddexdani nin ayaa si wayn loo cambaareeyay waxaana lagu tilmaamay mid siyaasadeed oo ah ku tumashada xuquuqda aadanaha.

Waa kuwo ma Ameerikaaka la siidaayay?

Dhanka bidix: Kim Hak-song, Kim Dong-chul, iyo Tony Kim

Xigashada Sawirka, REUTERS / AFP

Qoraalka sawirka, Dhanka bidix: Kim Hak-song, Kim Dong-chul, iyo Tony Kim
  • Kim Hak-song ayaa la xiray ka dib markii looga shakiyay "fal cadaawad ah " bishii May 2017, Waxa uu horey u sheegay in uu yahay nin fidinaya diinta masiixiga..
  • Tony Kim, oo sidoo kale loo yaqaano Kim Sang-duk, ayaa ka shaqeeyay PUST, waxaa la xiray bishii April 2017 isaga oo looga shakiyay basaasnimo,Sida ay sheegtay Kuuriyada koonfureed waxa uu ka shaqaynayay arrimaha bina'aadanimada dalka Kuuriyada Waqooyi.
  • Kim Dong-chul, oo ah nin baadari ah ayaa ku jira da'da 60, waxana la xiray 2015 isaga oo lagu eedeeyay basaasnimo ,waxaana ka dib lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah oo uu sidoo kale qabanayo shaqooyiin adag.