Taliyaha sirdoonka Britain oo weerarro uga digay Midawga Yurub

Xigashada Sawirka, PA/GETTY IMAGES
Taliyaha hay'adda sirdoonka Britain ee MI5 ayaa ka digay in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay maagan tahay in ay Yurub ka gaysato "weerar baaxad leh" oo "ay adagtahay in la fahmo" ka dib markii gacantooda laga saaray dhulwayn oo Bariga Dhexe ku yaalla.
Andrew Parker oo ah taliyaha sirdoonka ayaa digniintaas ka jeedin doona kulanka ay saraakiisha ammaanka ee Yurub ku leeyihiin magaalada Baarliin.
Ruushka ayuu sidoo kale ku cambaarayn doonaa suntii uu "ku bartilmaameedsaday" Salisbury.
Waxaa kale oo uu shaaca ka qaadi doonaa in ay UK ka hor istaageen 12 weerar oo lala maaganaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Westminster ee 2017.
Khudbadda Parker ayaa imaanaysa iyadoo ruux mindi wata uu qof ku dilay afar kalana ku dhaawacay magaalada Paris Sabtidii.
Weerarkaasna waxaa sheegtay kooxda Dawladda Islaamka.
Bishii Diseembar ee sannadkii horana Parker ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay hor istaageen sagaal weerar oo argagixiso sannadkii 2017kii.
Tiradan u dambaysay ee Isniintan la shaaciyay ayaa weerarrada laga hortagay ee UK ka dhigaysa 25 tan iyo sannadkii 2013kii.
Khudabadda uu masuulkani jeedin doona ayuu ku sheegi doonaa "in uu ku kalsoonyahay awoodda wax looga qaban karo arrimahaas oo kale, sababtu ay tahay awoodda, adkaysiga hannaanka dimuqraadiga, adkaysiga shacabka, iyo qiyamka aan la wadaagno saaxiibbada Yurub".

Xigashada Sawirka, .
Parker ayaa aqalka Kremlin ee looga arrimiyo Ruushka ku eedayn doona "in uu si cad u jabiyay qawaaniinta caalamiga ah" arrintaas oo la xiriirta suntii lagu weeraray basaaskii hore ee Ruushka iyo gabadhiisa oo bishii Maarso ka dhacday Salisbury.
Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ayaa lagu weeraray sun neerfaha wax yeesha.
Dawladda Ruushku way diiday in ay ku lug leedahay weerarkii afartii Maarso dhacay, laakiin cambaarayn iyo culays dublamaasiyadeed ayay kala kulantay reer Galbeedka.












