Muxuu soo kordhin karaa kulanka madaxda Islaamka ee Turkiga?
Published
Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.
Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa'iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa'iil ee Qasa.
Haddaba, si aannu go'aannada shirkaasi ka soo baxay u falanqeyno waxaannu la xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo jooga Istanbul, oo aan marka hore waydiiyay waxa la taaban karo ee ka soo baxay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka?