Afar nin oo isbaaro casri ah dhigtay internetka oo lagu xirey Maraykanka

.

Xigashada Sawirka, WADEMCMILLAN

Published

Booliiska dalka Maraykanka ayaa dacwado kusoo oogey afar qof ah oo ah mulkiilayaasha bog internetka ah oo la sheegay in dadka lagu baado , loogana qaato lacago sharci daro ah.

Boggan ayaa lagu magacaabaa mugshot.com, waxaana la galiyaa sawirrada dadka ay booliiska xiraan, kadibna waxaa lagu rakaateeyaa in ay bixiyaan lacag si sawirka iyo macluumaadkooda looga saaro bogga.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay lacago ka qaateen dad gaaraya 5,700 qof, iyaga oo ka heley lacag dhan $2 milyan oo doolar.

Xeel illaaliyaha California Xavier Becerra ayaa yiri "Dadka aan iska bixin karin lacagta, waxa ay dhib la kulmaan marka ay shaqooyinka raadsadaan ama ay bilaabayaan xiriir cusub oo lammaane", isaga oo ula jeeda in dadka ay shaqada ka raadsadeen ay macluumaadka qofka ka arkayaan bogga, kadibna laga yaabo in sidaas uu shaqadii ku waayo.

Dadka qaarkood oo sawirradooda lasoo dhigay ayaa waxaa laga yaabaa in booliiska ay u xireen si khalad ah ama xitaa wax dambi lagu waayay kadib markii la xiray, balse bogga waxa uu u yeelaa bar madoow oo sumcadda qofka ah.

Nimanka dacwadaha lagu soo oogay ayaa waxa ay kala yihiin Thomas Keesee, Kishore Vidya Bhavnanie, David Usdan iyo Sahar Sarid.

Waxaa dadka lagu dhiirogaliyay in ay dacwad keensadaan haddii uu jiro qof lacagtaas laga qaaday, hadhoowna maxkamadda horteeda ugu marqaati furaan.

Inkasta oo la xirey mulkiilayaasha, haddane bogga wali hawada ayuu ku jiraa.