Khilaafka arrimaha qoyska oo ku soo badanaya deegaanka Godey
Published
Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka jira Maxkamad dhanka Shareecada Islaamka taasi oo xalisa arrimaha la xiriira qoyska.
Maxkamaddan oo si gaar ah diiradda saartay Toban arimood oo la xiriira qoyska ayaa waxyaabaha ugu badan ee ay xaliso waxa ka mid ah dhanka furriinka.
Arrintan furiinka ayaa ah mid ku sii badanaya degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wariyaha BBC ee Jigjiga Cabdi naasir Sh Xikam oo dhawaan booqasho ku tagay degmada Godey ayaa waxa uu arrimahani ka waraystay Muxumed shariif Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Shareecada Islaamka ee degmada Godey.