Farshaxamiiste Muqdisho ku iibiya sawir gacmeedyada

Qoraalka Codka, Farshaxamiiste Muqdisho ku iibiya sawir gacmeedyada
Published

Axmed Xasan Sheekh, waa farshaxamiiste sawir gacmeedyada sameeya, isla markaana sawirradaasi ku iibbiya dukaan uu ku leeyahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sawirrada uu sameeyo Axmed ayaa waxaa ka iibsada ajaanibta iyo dadka kale ee garoonka ka duula kana soo dega.

Waxa uu arkay fursad ganacsi, isaga oo garoonka ku doortay ammaankiisa oo la isku halleyn karo marka la barbardhigo magaalda inteeda kale.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Calinuur Salaad oo Axmed la kulmay ayaa warbixntaan inoo soo diray.