Shirka amniga Soomaaliya oo madaxda dalka uga furmaya maanta Baydhabo

Qoraalka Codka, Shirka amniga Soomaaliya oo madaxda dalka uga furmaya maanta Baydhabo
Published

Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka golaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxaana shirkan ka qeybgalaya madaxada maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe ee federaalka.

Ra;iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa durbaba gaaray Baydhabo.

Shirkaasi ayaau ka wareysannay wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Aadan Saalamiin.