'Jecelka aan u qabo kubadda cagta ayaa ii horseeday in aan gaaro London’

Xigashada Sawirka, Ahmad Al-Rashid
Axmed Al-Rashad wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray dalka Suuriya, wuxuu yaraantiisa si wayn u taageeri jiray xulka kubadda cagta ee Ingiriiska.
Wuxuu yiri " ilaa yaraanteydii waxaan ku hamuun qabay in aan mar uun tego dalka Ingriiska, waxaan xasuusta waayadii ay cayaari jireen Michael Owen iyo David Beckam"
Axmed Rashiid wuxuu sidoo kale sheegay inay xasuus ku reebeen goolashii uu dhalin jiray cayaaryahan David Beckham.
Jecelkii uu Axmed u qabay xulka Ingiriiska iyo dalka ay u horseeday in maadada Ingriiska iyo suugaanta uu ka bartay Jaamaacadda Aleppo ee dalka Suuriya.
Wuxuu yiri " wax wayn ayaan ka bartay dalka Ingiriiska, waxaana kamid ah suugaanta, dhaqanka iyo cayaaraha"
Axmed oo 28 sanno jir ayaa kamid ah maalaayinta qof ee kasoo qaxay dagaalka Suuriya ee ku sugan Yurub.

Xigashada Sawirka, BBC/The Open University
Markii magangalyo laga siiyay dalka Britain, Axmed waxaa kusoo biiray labo gabdhood uu dhalay, hadda wwuxuu ku nool yahay magaalada London halkaaso uu ka shaqeeyo.
Wuxuuna si aad ah u xiiseeya cayaaraha oo noloshiisa isbaddal ku reebtay, wuxuu gaaray garoonka Wembley si usoo daawado cayaartii xulalka Ingriiska iyo Jarmalka dhexmartay bishii November ee sannadkii 2017-kii.
Wuxuu sheegay in ha'yadda socdaalka adduunka iyo xiriirka kubadda cagta ay casuumeen islamarkaasna ay siiyeen tikidhka dadka soo galootiga si uu daawado cayaartaasi.
Axmed ayaa yiri "Waxaan taageeri jiray xulka Ingriiska ilaa yaraanteedi, marka riyadaydii ayaa rumoowday, Ingiriiska waa dalkaygii labaad"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Axmed wuxuu hadda carruurtiisa la wadaagaya tageerada uu u haya xulka Ingiriiska.
Wuxuu yiri " markii ay soo idlaatay cayaartii Ingiriiska iyo Belgium, mid kamid ah gabdhahayga way ooysay, waxay i weeddinyasay maxaa England looga badiyay? halka gabadha kalena ay iska qoslaysay"
Axmed Rashid wuxuu yiri ' haddii aadan ka hadlaynin kubadda cagta markaasi kama hadlaysid xulka Ingiriiska'
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2












