Farmaajo oo berri booqan doona Eritrea

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay berri oo Sabti ah booqasho ku tagaan dalka Eritrea.
Socdaalka madaxweyne Farmaajo waxaa xaqiijiyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, Yemane G. Meskel, oo hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter ku sheegay in Mr Farmaajo uu berri subax booqasho seddex maalmood ah ku tegi doono magaalada Asmara.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Sidoo kale TVga dawladda Soomaaliya ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya wasiirka warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle, in Madaxweynuhu uu Sabtida booqan doono Eritrea.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Booqashadan ayaa imaanaysa ayadoo dhawaan labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ay ka heshiiyeen xurguftii ka dhaxaysay muddada labaatanka sano ka badan ee kumanaanka kun ee qof ay ku naf waayeen.
Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ma wanaagsanayn muddadaas, maadaama Itoobiya ay galaangal weyn ku lahayd siyaasadda iyo arrimaha milateriga ee Soomaaliya.
Weli lama shaacin arrimaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan.