Goolhaye Soomaali ah oo ku dhintay dalka Turkiga
Published
Dalka Turkiga waxaa ku dhintay gool hayaha xulka qaranka ee Soomaaliya Axmad Cabdulaahi. Axmad ayaa dalkaasi Turkiga muddo u joogay sababo caafimaad, ka hor inta uusan ku dhiman isbitaal ku yaal waddankaasi.
Geerida gool hayaha xulka qaranka ee Soomaaliya Axmad Cabdulaahi ayaan goor dhaweyd ka wareystay guddoomiyaha jaaliyadda soomaalida ee Turkiga Sheekh Maxamed Maxamuud Maxamed, oo aan weydiiyay waxa uu kala socday xaaladda caafiamad ee Axmad.