BBC Soomaali TV oo la ballaariyey
BBC News Somali TV wuxuu kuu soo gudbinayaa doodo gaar ah, warar aan horay loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah.
Barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV oo uu soo jeedin doono Farxaan Maxamed Jimcaale (oo sawirka ka muuqda) waxa uu billaabanayaa maanta oo ah Isniin 30 July, wuxuuna habeen kasta soconayaa 30 daqiiqo.
Barnaamijka oo maalin walba, Isniin-Jimco hawada gali doona, wuxuu isugu jiraa Warar, wareysiyo iyo falanqeyn, kala soco BBC Somali TV. Qaybtan cusub waxay wakhti dheeraad ah siin doontaa wararka aan meelaha kale laga sheegin. Waxaad ka heli kartaa bogga https://www.bbc.com/somali iyo bogga cusub ee BBC Somali YouTube https://www.youtube.com/BBCNewsSomali
Waxaa ka shaqaynaya suxufiyiin u tababaran hawsha ay qabanayaan.