Hargeysa oo laga furay warshad caanaha soo saarta

Qoraalka Codka, Hargeysa oo laga furay warshad caanaha soo saarta
Published

Deegaanka Jaleelo oo 30 km dhinaca woqooyi bari ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga dhisay warshed weyn oo caanaha ah oo saacadiiba soo saari karta toban kun oo litir oo ah caano dhay ah , taasoo maamulku sheegay inay ugu talo galeen suuqyada dalalka geeska Afrika qaarkood .

Warsheda oo ay ku baxday lacag ka badan lix iyo toban million oo dollar , kana shaqeeyaan haatan ilaa boqol shaqaale ahi , ayaa waxaa markii ugu horreysay booqday weriyaal ka socday BBC oo uu ka mid yahay weriyaha BBC ee Somaliland Axmed Saciid Cige oo wareystay mulkiilaha warshedan caanaha Axmed Cismaan Geelle.