Aas wadareed loo sameeyey Carruurti lagu laayey Yemen

Aas wadareedka carruurta loo sameeyey

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Aas wadareedka carruurta loo sameeyey
Published

Kumannaan qof ayaa ka soo qayb gashay aas wadareedka loo sameeynayey carruurta 40-ka ahayd ee ku dhimatay duqeyn ay toddobaadki hore Yemen ka geysteen xulafada sacuudiga uu hoggaaminaya.

Aas wadareedka wuxuu ka dhacay Saada, oo ku taallo waqooyiga oo ay xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Dad badan ayaa Sacuudi Carabiya ku mudaharaaday, iyaga oo si weyn uga soo horjeeda weerarrada uu Sacuudigu ku hayo Kooxda isaga oo taageeraya Dowladda Yemen.

Isbahaysiga ayaa weerarkooda waxay ku tilmaameen "mid sharci ah", haddana waxay sheegeen inuu weerarkooda uu "waxyeello aad u badan uu heystay".

Meydka carruurta ayaa waxaa lagu duubay mara cad waxaana meydadka lagu soo qaaday gawaari astaanta kooxda xuutiyiinta lagu dhajiyey.

Meydadka carruurta oo la sido

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Meydadka carruurta oo la sido

Maalulka deegaanka uu shilka ka dhacay ayaa waxay sheegeen iney duqeynta xulafada ay ku dhinteen 51 qof oo 40 ka mid ah carruur yihiin, iyada oo diyaaradaha xulafada ay Khamiisti duqeeyeen bas ay carruurtaasi saarnaayeen.

Carruurtaasina waxay da'doodu u dhaxeeysaa 10 ilaa 13 jir.

Meydadka carruurta oo isbitaalka laga soo qaaday

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Meydadka carruurta oo isbitaalka laga soo qaaday

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta oo ka mid ah weerarka xulafada wuxuu Isniinti sheegay iney sheegay iney jireen sababa keenay in la isticmaalo weerarro dhinaca hawada ah.

Wakaaladda wararka AP ayaa waxay sheegtay "dagaalku inuusan ahayn howl gal nadiifin oo la qaado oo kale".

Mas'uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa waxay sheegeen falka inuu yahay "Dambi ay carruurta Yemen u geysteen Mareykanka iyo Xulafadiisa".

Isbahaysiga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta ayaa taageero dhaqaale ka helaya Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in weerarka duqeynta ee dhacay "baaritaan madax-bannaan oo si deg-deg ah loogu sameeyo".

Dad tira badan oo mudaharaad duqeynta cirka ay kaga soo horjeedaanna sameeyey

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad tira badan oo mudaharaad duqeynta cirka ay kaga soo horjeedaanna sameeyey
Dad careysan oo ka soo horjeeda duqeynta

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad careysan oo ka soo horjeeda duqeynta
Xuutiyiinta hubeysan ayaa dhaar ku maray iney aarsanayaan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta hubeysan ayaa dhaar ku maray iney aarsanayaan