Maamulka Dekadda Berbera oo gaashaanka u daruuray cabashada dadka dekaddaas wax kala soo dega
Published
Maamulka Dekadda Berbera ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray cabashada ka soo yeertay darawaliinta iyo ganacsatada wax kala soo dega dekaddaasi.
Sida uu sheegay Maareeyaha Dekedaa Berbera ee xilligan Siciid Xasan Cabdillaahi, kaas oo markii ugu horeysay aan la yeelannay wareysi gaar ah oo dhinacya badan taabanaya, dekadda waxaa loo sameeyay nidaam wanaagsan oo ay ku shaqeyso.
Axmed Saciid Cige, oo maareeyaha wareystay ayaa marka hore waxa uu waydiiyay inta ay la eg tahay xaddiga badeecadaha ka soo dega Dekeda Berbera ilaa iyo intii ay maamulka dekeda la wareegtay sharikada DP World?