Zimbabwe: Xisbiga Zanu-PF oo beeniyay in doorashada ay ku shubteen

Emerson Mnanangwa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Emerson Mnanangwa
Published

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee Zanu PF ayaa sheegay in codsiga xisbiga mucaradka ee ah in doorashadii madaxwaynanimada waxba kama jiraan laga soo qaado ay tahay mid aan lahayn wax micno ah.

Madaxda MDC ee mucaaradka aya ku doodaya in guushii madaxwaynaha xilka haya ay ahayd mid ku timid wax isdabamarin.

Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe ayaa ka mid ah kuwa ka jawaabi doono edeymaha loo gudbiyay maxkamada, loogamana fadhiyo in ay su'aalo ka jawaban , balse sidoo kale waxaa ay ku qasbanyihiin inay difacaan guusha ay gareen.

Xisbiga Zanu PF ayaa ku gacan seyray eedeymo ay ka dhawajiyeen xisbiga mucaaradka ee MDC ee ahaa in doorashadii dhacday ay hareyeen wax isdabamarin iyo in lagu shubtay doorashada oo loo eexday madaxweynaha imika talada haya ee Emerson Mnanangwa.

Garyaqaan matalaya xisbiga Zanu PF oo lagu magacaabo Paul Mangwana ayaa waxaa uu sheegay inay ku kalsoonyihiin jawaabaha ilaa iyo imika ay u gudbiyeen maxkamadda.

Guddiga doorashooyinka ee dalkaasi oo horay u beeniyay in qaladaad ay jireen xilligii doorashada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay hor yimaadaan maxkamadda, si ay uga jawabaan kiiska MDC ay u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga ah.

Maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi oo maalmaha inagu soo aadan dhageysan doonta kiiskan ayaa ugu dambeyn go'aan ka gaari doonta bal in doorashadii dhacday ay aheyd mid xalaal ah iyo in kale.