Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inuu biyaha webiga Shabeelle ku soo fasaxay deegaanno Qoryooley ka tirsan

Qoraalka Codka, Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inuu biyaha webiga Shabeelle ku soo fasaxay deegaanno Qoryooley ka tirsan
Published

Maamulka degmada Qoryooley ayaa waxa uu ururka Al-Shabaab ku eedeeyay inuu biyaha webiga Shabeelle ku soo fasaxay tuulooyin degmadaas hoos yimaadda.

Maamulku waxa uu intaasi ku daray in beero badan oo dhawaan soo go'ay ay biyahaasi baabi'iyeen, halka kumannaan qofna ay ku barakaceen.

Degmada Qoryoolay ayaa waxa ay muhiim u tahay wax soo saarka beeraha, dhanka kalana waxa ay isku xirtaa magaalooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa badanaa weerraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxa ay ku qaadaan saldhigyada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Midowga Afrika ee AMISOM.

Haddaba umuurtaasi ayaa waxaannu ka wareysannay guddoomiyaha degmada Qoryooleey, Sayid Cali Ibraahim Xasan, oo iigu warramay khadka taleefanka.