Muhiimad caynkee ah ayey leedahay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti?
Waxaa lagu wadaa in maanta dalka Jabuuti ay booqasho rasmi ah uga bilaaban doonto Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada xaajoodaan madmadowga dhawaantan soo kala dhexgalay xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal.
Dabayaaqadii bishii July ayey aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eritrea, middaas oo dowladda Jabuuti ay si kulul uga soo horjeesatay hadal ay sheegtay in Farmaajo uu ku taageeray in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.
Haddaba si aannu arrintan u falanqeyno ayaa waxaannu studio-yaheenna ku casuunnay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay, muhiimadda ay leedahay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti?