Shirkaddo ka ganacsado Geela manaafacaadkiisa kala duwan oo Hargaysa laga hirgaliyay

Qoraalka Codka, Shirkaddo ka ganacsado Geela manaafacaadkiisa kala duwan oo Hargaysa laga hirgaliyay
Published

Dadka Soomaalida ah ayaa waxa ay caan ku yihiin dhaqashada xoolaha kala duwan gaar ahaan Geela.

Geela ayaa waayadii hore waxaa inta badan dadku ay ahaayeen kuwa manaafacaadkiisa kala duwan isticmaala.

Balse imika deegaanada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa waxa ku soo badanaya ka ganacsiga Geela.

Tan iyo sanaddii 2017, afar shirkadood oo ah kuwa ka ganacsada caanaha geela ayaa laga hirgaliyay magaalada Hargeysa, waxayna caanaha geela iyo hilibkaba ay noqdeen imika ganacsi ballaaran.

Wariyaha BBC Cabdirahmaan Bidhaan oo dhawaan howlo shaqo ku tagay Hargeysa ayaa waxa uu boqday suuqa Geela lagu iibiyo ee Hargeysa, warbixintan ayuuna ka diyaariyay.