Jacaylkaaga ma ku gudbin lahayd in aad sac ku dul qorto?

Xigashada Sawirka, EILIDH FRASER
Nin beeralay ah ayaa wacdaro dhigay kaddib markii si la yaab leh uu jecaylkiisa dhabta ugu soo bandhigay gabar uu jeclaa.
Chris Gospel oo lo' ku dhaqdo Scotland ee dalka Ingriiska ayaa Sac irmaan ah dushiisa ku qoray 'Gormaa ayaan isguursanaynaa' si ay u aragto gabadha u jecel yahay.
Gospel oo 30 jir ah ayaa jecelka uu u hayo gabadha ugu gudbiyay Saca, inta uu qalin soo qaatay ayuu neefka lo'da ah dushiisa ku qoray 'Gormaa ayaan is guursanaynaa'
Gabadha uu jecel yahay oo la yiraahdo Eilidh Fraser ayaa si aad u jeclaan jirtay sacan , inta badan caws iyo biyo ayay siin jirtay.
Gospel wuxuu yiri "Saca waxaa si wayn u jeclayd Eilidh, markaasi habeen kasta lagama wayn jirin hareeraha goobta uu Saca joogo, waxaana ii suurogashay inaan jecelkayga dhabta halkan ugu gudbiyo"

Xigashada Sawirka, EILIDH FRASER
Wuxuu BBC-da qaybteeda Scotland u sheegay inay ka baarandagayaan in sacan ay gayn doonaan goobta uu arooskooda ka dhici doono iyo in kale islamarkaasna ay eegi doonaan xuquuqda neefkan marka ay doonayaan in Sacan uu ka qayb noqdo xuska nolosha ay isla soo mareen.
Fraser waxay ma aysan filaynin in Gospel uu jecelka sidan uga soo gudbiyo balse waxay sheegtay in arrintani ay amakaag ku noqotoy.
Marka ay timaado inaad gudbiso jecelkaaga, waxaa qofka ku adkaan kartaa inuu la yimaado fikrado hor leh si uu u wajaho qofka uu doonayo inuu jecel u gudbiyo.












