Waa kuwee hoggaamiyeyaasha ka qayb galay aaskisa?

Munaasabadda aaska Kofi Annan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Munaasabadda aaska Kofi Annan
Published

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu yimid si ay u sagootiyaan meydka siyaasaiga rug caddaaga ahaa ee Africa Kofi Anan, oo lagu aasay magaalada uu ku dhashay.

Seddex maalmood oo looga baroordiiqayey Kofi Anan waxaa meydkiisa la soo dhigay madaxtooyada looga arrimiyo Ghana iyada oo kumannaan shacab ah ay meydkiisa sagootinayeen.

Kofi Annan wuxuu 18-ki August uu ku dhintay Switzerland isaga oo 80 jir ah.

Annan inta u dhaxeysay 1997-2006 wuxuu noqday xoghayaha guud ee qaramada midoobay wuxuuna noqday xoghayihi ugu horreeyey oo madow ah.

Waxaana 2001-dii la guddoonsiiyey abaalmarinta nabadda ee caalamiga (Nobel Peace Prize) isaga oo ku muteystay sida uu gacan uga geystay dardar gelinta howlaha hay'adda caalamiga ah ee uu hoggaaminayey. Gaar ahaanna kaalinta uu ku lahaa soo afjaridda dagaalki Ciraaq iyo la dagaallanka Cudurka HIV/AIDS-ka.

Meydka Anan oo yalla madaxtooyada dalka Ghana

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Meydka Annan oo yalla madaxtooyada dalka Ghana

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee xilligan Antonio Guterres oo khudbad ka jeediyey munaasabadda aaska ayaa wuxuu sheegay inuu Annan ahaa xoghayihi ugu wanaagsanaa ee qaramada midoobay soo mara.

Mr Guterres wuxuu intaa ku daray, "Inkasta oo aan ku jirin murugo iyo naxdin aan kala kulannay geerida ku timid Annan, haddana waa inaan marwalba ku faannaa kuna xusuusannaa waxyaabaha dhaxal galka ah uu nooga tagay".

Inkasta oo uu dhintay ayuu yiri "xilli ay dunida si ka duwan sidi hore ugu baahneyd".

Qoraalka Muuqaalka, BBC Africa oo dib u jeleecday howlaha uu Kofi Annan soo qabtay

Sagootinka meydka Annan dadka ka soo qayb galay oo xiran dhar madow oo dhaqan ahaan la soo xirto xilliga tacsida ayaa waxay isugu yimaaddeen xaruunta shirarka ee Accra, iyada oo ay ka soo qayb galeen 4,000 oo shacabka dalka intiisa kalana ay si toos ah ugala socdeen telefishiinnada oo laga baahinayey.

Xaaskiia Annan, Nane Maria oo ah sharci yaqaan isla-markaana fannaanad u dhalatay Sweden ayaa waxay sheegtay inta uusan dhimanin uu marwalba uu ku taami jiray inuu dalkiisa hooyo uu dib ugu soo noqdo, waxaanna mahad gaar ah u soo jeedinayaa ayey tiri dalka Ghana oo dunida u hibeeyey shaqsigan aadka qaaliga u ah.

Waxayna sheegtay ninkeeda inuu ahaa nin dhiig badan oo aad isugu kalsoon.Waxaana sida oo kale goobtaasi ku sugnaa 3 carruur ah oo uu dhalay Koofi Annan.

Hab dhaqami ah oo loo sagootay meydka Annan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Hab dhaqami ah oo loo sagootay meydka Annan

Dadka magaca leh ee ka soo qayb galay aaska Annan waxaa ka mid ah boqoradda Netherland Princess Beatrix iyo gabadheeda Mabel oo ay saaxibbo dhow ahaayeen Annan.

Boqorka Ghana Otumufuo Osei Tuutu II, wuxuu Annan uu 2012-ka uu guddoonsiiyey abaalmarin looga magacdaray Busumuru, abaalmarintaasi oo uu ku muteystay Annan doorka uu dibloomaasiyadda caalamka uu ku yeeshay xilliga uu xoghayaha guud ee qaramada midoobay ahaa.

Qofka lagu abaalmariyo Busumuru waxaa la guddoonsiiyaa seyf lagu hardhay astaanta boqorka dalka Ghana.

Hoggaamiyeyaasha dhaqanka oo hab dhaqami ah kaga qayb galay Aaska Kofi Annan

Xigashada Sawirka, Ayo Bello/BBC

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka oo hab dhaqami ah kaga qayb galay Aaska Kofi Annan

Baadariga Kaniisadda Angelican ee magaalada Kumasi ee bartamaha Ghana ayaa wuxuu sheegay "iney maanta taariikh cajiib ah ay ka dhacday Ghana oo ah in wiilkeedi qaaliga ahaa lagu aasayo."

Shacabka Ghana waxay si weyn ugu faanaan Koofi Annan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shacabka Ghana waxay si weyn ugu faanaan Koofi Annan