Dalka Maraykanka oo dardar gelinaya wada xaajoodka Kuuriyada Waqooyi

Mr Pompeo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mr Pompeo
Published

Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si degdeg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyadii uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi maaddaama hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un uu sameeyay ballan qaadyo intii lagu guda jiray kulankii u dhaxeeyay labada Kuuriya ee arbacadii lagu soo gaba gabeeyay Pyongyang.

Xogyahaya arrimaha dibadda, Mike Pompeo, ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in meesha lagu gaaro janaayo sannadka 2021-ka la baabi'iyo hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Pompeo ayaa soo dhaweeyay casumaadda Kim John-Un uu ku casumay khuburada caalamiga ah in ay kormeeraan burburinta xarunta tijaabada gantaallada ee Kuuriyada Woqooyi.

Waxa uu sidoo kale ammaanay ballan qaadka Kim ee ah in uu albaabada isugu dhufanayo oo uu xirayo xarunta weyn ee farsamada niyuukleerka, inkastoo hogaamiyahani Kuuriyada woqooyi uu sheegay in tallaabadaasi uu qaadayo oo kaliya haddii Mareykanka uu qaado tallaabooyin uu uga soo baxayo dalabka Kuuriyada woqooyi.

Haseyeeshee madaxweyne Trump ayaa durbaba soo dhaweeyay ballan qadyadani waxa uuna ku tilmaamay kuwo dhanka horumarka loo qaaday.

Xoghayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa sheegaya in Mareykanku uu diyaar u yahay in wada xaajoog ay la billaabaan Kuuriyada woqooyiga iyaga oo laga duulayo arrimahani.

Waxa uu sheegay in ujeedadu tahay sidii loo heli lahaa hannaan lagu baabi'inayo hubka niyuukleerka Kuuriyada Waqooyi ugu dambeyn dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Trump.

Waxa uuna sidoo kale ugu baaqay dhiggiisa Kuuriyada Woqooyi in uu isbuuca dambe kula kulmo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.