Qalalaasaha Venezuela: Markab isbitaal ah oo muddo isbuuc ah caawinaya dadka

Xigashada Sawirka, Reuters
Markab isbitaal ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku xirtay dekad ku taalla waddanka Venezuela, halkaasoo uu muddo hal usbuuc ah bukaannada shacabka ah ugu fidin doono adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Venezuela ayaa tagay dekadda La Guaira, si uu u soo dhaweeyo shaqaalaha Shiineyska ah.
Waxa uu wasiirku sheegay in booqashada uu ku yimid markabka oo lagu magacaabo Peace Ark ay qeyb ka ahayd heshiisyo uu soo sameeyay madaxweyne Nicolás Maduro, mar uu isbuucii la soo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Beijing.
Dowladda Venezuela ayaa markaas oggolaatay iney kordhiso saliidda ay u dhoofiso Shiinaha, taasoo ah mid ka mid ah wax soo saarkeeda ugu weyn.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoos u dhac dhaqaale iyo xasarado ka jira Venezuela ayaa sababay iney go'aan raashinka iyo daawooyinka, waxaana gabi ahaanba burburay hanaankii adeeg ee shacabka.
Mucaaradka dalkaas ayaa sheegay in joogitaanka markabka isbitaalka ah ee ka socda Shiinaha uu astaan u yahay sida ay xaalad bani'aadannimo uga jirto waddankaas.
'Diblomaasiyad run ah'
Mr Padrino López ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid saaxiibtinnimo ah, wuxuuna intaas ku daray in heshiiskan uu labada dalba faa'iido u yahay.
"Waa arrin lagu farxo in markabkaan uu joogo Venezuela, wuxuuna halkaan yimid ka dib markii uu ku soo safray in ka badan 40 waddan" ayuu yiri.
"Tani waxay muujineysaa sida looga run sheegay diblomaasiyadda, loona qaaday tallaabooyin wax ku ool ah," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Padrino López.
Dowladda Venezuela ayaa xasaradaha dhaqaale ee ka jira dalkeeda ku eedeysay cuna qabateyn caalami ah oo uu hor kacayo Mareykanka.

Xigashada Sawirka, AFP
Maalintii Jimcada ahayd ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo wacad ku maray inuu "maalmaha soo socda" shaaca ka qaadi doono tallaabooyin is daba joog ah oo ka dhan ah "hogaanka dalka Venezuela".
Madaxweye Donald Trump ayaa horay ugu tilmaamay madaxweyne Maduro inuu yahay kaligiis talis, wuxuuna dowladdiisa ku eedeeyay iney si sharci darro ah u xirto, u jirdisho una disho dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka dalkaas.
Boqollaal kun oo ruux ayaa sannadkii la soo dhaafay ka bara kacay dalkaas, ka dib markii ay xiisaduhu ka sii dareen.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 2.3 malyan oo qof ay isaga carareen Venezuela intii u dhaxeysay sannadkii 2014-kii ilaa bishii Juun ee sannadkaan 2018-ka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mr Maduro ayaa isbuucii la soo dhaafay u safray Shiinaha, isagoo ka raadinayay taageero ku aaddan sidii dib loogu dhisi lahaa dhaqaalaha waddankiisa.
Wuxuu sheegay inuu 28 heshiis oo isugu jira ganacsi iyo maalgalin la soo saxiixday Shiinaha.
Dowladda Venezuela ayaa sheegtay iney kordhin doonto dhoofinta saliideeda oo ay gaarsiin doonto 1 malyan oo barmiil maalintiiba.
Labada dal ayaa sidoo kale isku raacay maalgashi ku kacaya lacag dhan shan bilyan oo doolar, si loogu caawiyo dib u dhiska wax soo saarta saliidda ee Venezuela.
Hase ahaatee ma jirin bayaan la shaaciyay oo ku saabsan waxyaabihii ay labada dhinac heshiiska uga gaareen, kulanka ka dhacay magaalada Beijing.












