Wasiirka haweenka ee Soomaaliya oo saxiixday cahdiga caalamiga ee xaqa dadka lixaadkoodu dhiman yahay

Wasiir Deeqo Yaasiin

Xigashada Sawirka, Sonna

Qoraalka sawirka, Wasiir Deeqo Yaasiin
Published

Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixday cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah, iyada oo sidaasi ku noqotay dowladda 178-aad ee cahdigaas saxiixda.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee New York ku saxiixday cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Wasiir Deeqo Yaasin ayaa sheegtay inay xukuumadda Soomaaliya ka go'an tahay ilaalinta xuquuda dadka naafada ah iyo weliba sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay helaan.

Qoraalka Codka, Dadka u ololeeyo xuquuqda naafada oo soo dhaweeyay xeerka dolwadda Soomaaliya saxiixday

"Wasaaradddu waxay ka ansixisay sharcigii lagu dhisayay hay'adda Qaran ee Naafada golaha wasiiradda 28 June 2018, waxa uuna horyaallaa barlamaanka, ka dibna waxaa loo gudbin doona Aqalka Sanetka, halka ugu dambeyn uu saxiixi doono madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya" ayey tiri Marwo Deeqa Yaasiin oo BBC u warantay

Geedi socodka dedaalladda lagu doonayo ilaalinta xuquuqda dadka lixaadka la' ayaa soo socday muddo dheer ka dib markii Ururrada ay ku mideysan yihiin dadka naafada ah ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in la sameeyo sharciga ilaalinta xuquuqda dadka lixaadkoodu dhiman yahay.

Maxamed Cali Faarax, oo ah wiil dhallinyaro ah kana mid ah dadka naafada ah ayaa sheegay in muddo dheer uu ku howlanaa in xukuumadda Soomaaliya ay si hufan uga shaqeyso saxiixa xeerka ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah haatana saxiixiisa uu si diirran u soo dhaweeynayo.

Qoraalka Codka, Naafada Minneapolis oo ka shiray xaaladda dadka naafada ah ee gobolka Minnesota

"Farxad ayey u tahay dadka Soomaaliyeed ee naafada ah in dowladda Soomaaliya ay saxiixdo cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah, muddo lix ilaa toddobo sanadood ah ayaan dowladdii hore iyo tan haatan talada haysa ka codsanayay in xeerkan la saxiixo, waana wax aan ku taameynay oo maanta laga guul gaaray" ayuu yiri Maxamed Faarax.

Faa'iiddada Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah

Faa'iidooyinka xeerkaan waxaa ka mid ah in dadka laga wacyigeliyo fikradaha qaldan ee ay dadku ka aamisan yihiin dadka lixaadka la', sida in dadkaasi aysan waxba qabsan karin.

Maxamed Faarax ayaa sheegaya in marka xeerkaasi ay saxiixdo dowlada Soomaaliya ay muhiim tahay in dadka soomaaliyeed iyo dowladduba ay ogaadaan in loo baahan yahay in xeerkaan "uu leeyahay wax la yiraahdo dhaqan gelin, loona baahan yahay in la hirgaliyo".

"Waxaa jiro qoddobo tiro badan oo ay tahay in la raaco waxayna hoos imaanayaan arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxaana ugu muhiimsan saddex mabaa'dii oo kala ah, kor u qaadida iyo horumarinta xuquuqda naafada, Ilaalinta iyo dhowridda xuquuqda naafada, iyo tan ugu dambeysa oo ah xaqiijinta in naafadu ay la mid yihiin bulshada inteeda kale". ayuu yiri Maxamed Faarax

Qoraalka Codka, Warbixin: Warshadda qalabka dadka naafada ah ee Hargeysa

Muxuu xeerkaan ka beddelayaa xaalada naafada Soomaaliya?

Tallaabadan wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku saxiixday cahdigan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo wasaaraddu qaaddo tan iyo markii xeerkan ay Qaramada Midoobay meel marisay sannadkii 2006-dii.

Xeerkan marka uu ka hirgalo Soomaaliya, waxa uu xaq u siinayaa dadka Naafada ah inay helaan fursado shaqo oo la mid ah kuwa ay helaan dadka aan naafada ahayn, iyo kuwa naafada ah labadaba.

"Xeerkaan wuxuu u yahay ummada Soomaaliyeed mid muhiim u ah gaar ahaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah, wuxuuna u tarayaa arrimo muhiim u ah sida ummadaha kale ee caalamka ay u saxiixeen oo kale in dolwadda Soomaaliya ay u saxiixdo" ayuu intaasi ku daray Maxamed Faarax.

Qoraalka Codka, Warbixin: Duruuftaha indhooleyaasha Somaliland

Maxay doonayaan dadka Naafada ah?

Inkasta oo dadka naafada ah ee Soomaaliya ay inta badan ka cawdaan takoor ay kala kulmaan bulshada qeybaheeda kala duwan, haddana waxay dalbadaan in la garab istaago oo dhammaan bulshadu ogaadaan inay la mid yihiin bulshada inteeda kale.

Waxay sheegaan in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha bulshada sida dhaqaalaha siyaasadda iyo dhaqanka.

"Waxaa loo baahan yahay in waxbarashadu noqoto mid loo siman yahay, sidoo kale shaqaaleysiinta dadka naafada ah, taasi oo loo qabo baahi weyn, iyo in waliba lala dagaalo takoorka lagu sameeyo dadka lixaadka la'" ayuu yiri Maxamed Faarax.

Qoraalka Codka, Farxaan Hadaafow wuxuu ka qayb galayaa Paralympics-ka

Hase yeeshee, iyada oo dowladda Soomaaliya ay saxiixday xeer caalami ah oo qasab ay tahay in la dhaqangeliyo ayaa haddana dowladda Soomaaliya waxaa qasab ku ah inay il gaar ah ku heyso dhismayaasha iyo xafiisyada dowladda, waddooyinka, iyo iskuuladda, si loogu dabaqo baahiyaha gaarka ah ee dadka lixaadka la'.