Wacyigelin dhanka waxbarashada ah oo loo sameeyay ardayda xeryaha Dhadhaab

Qoraalka Codka, Wacyigelin dhanka waxbarashada ah oo loo sameeyay ardayda xeryaha Dhadhaab
Published

Dhalinyaro ka socota dalladda ay ku bahoobeen ardayda Soomaalida ah ee Jaamacadaha ka dhigta dalka Kenya ayaa waxa ay booqasho wacyigalin ah ku tageen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Dhalinyarada oo isugu jirta kuwa horey wax uga so bartay xeryahaasi iyo kuwa ka yimid Soomaaliya ayaa waxa ay booqdeen iskuullada ku yaalla xeryaha Dhadhaab, waxa ayna dhiirigelin dhanka waxbarsahada ah siiyay ardada halkaas wax ka barata.

Haddaba umuurtaas ayaa waxaannu ka wareysannay Xuseen Baaruud Gaaxnuug, gudoomiyaha ururka ay ku bahoobeen ardayda Soomaalida ah ee Jaamacadaha ka dhigta dalka Kenya iyo Zahuur Xaashi Maxamed oo ka mid ah dhalinyaradii wacyigalinta u tagay halkaasi, waxa ay u warrameen weriyaha BBC-da Axmed Badar.