Daraasad lagasoo saaray ismari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka Codka, Daraasad lagasoo saaray ismari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya.
Published

Warbixin kasoo baxday machadka cilmi-baarista daraasaadka siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho oo cinwaan looga dhigay siyaabaha loo dhammayn karo ismari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa talooyin kala duwan loogu soo jeediyey dawladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka labadaba.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah agaasimaha machadka Heritage, ayaan ka waraysannay nuxurka ay warbixintani xambaarsan tahay iyo talooyinka ay u soo jeediyeen dhinacyada is haya.

Weriyaha BBC-da Axmed Mursal Xuseen ayuu Khadka teleefoonka ugu warramay asagoo ku sugan dalka Canada, waxuuna ugu horrayn waydiiyey in uu faahfaahin ka bixiyo daraasaddan cusub ee ay soo saareen