Shir ay leeyihin saaxiibadda Somaliland oo maanta ka furmaya Hargeysa

Qoraalka Codka, Shir ay leeyihin saaxiibadda Somaliland oo maanta ka furmaya Hargeysa
Published

Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, waxaa saaka ka furmaya shirweyne lagu magacaabay shirweynaha saaxiibada Somaliland ee caalamka.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha dibedda ee Somaliland waxaana ka qayb gelaya in ka badan 50 ergay oo ka kala yimid qaaradaha adduunka.

Dr Maxamed Cismaan Fadal oo ah agaasimaha mac-hadka cilmi baadhista arimaha bulshada iyo horumarka {SORADI} ee xaruntiisu tahay Hargeysa, kana qab gelaya shirka ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige uga warramay waxa shirka looga hadlayo.