Doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka: Maxay yihiin maxayse muhiim u yihiin?

Dhismaha Koongareeska Maraykanka waxaa loo yaqaanaa US Capitol

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismaha Koongareeska Maraykanka waxaa loo yaqaanaa US Capitol
Published

Waxaa jira doorashooyin muhiim ah oo ku soo wajahan Mareykanka, kuwaasoo lagu magacaabo doorashooyinka xilliga dhexe.

Afartii sanaba mar, dadka Mareykanka waxay u codeeyaan iney soo doortaan madaxweynahooda.

Doorashooyinka dhaca inta lagu guda jiro afartaas sano oo madaxweynaha la doortay uu xilka hayo ayaa waxaa la yiraahdaa doorashooyinka xilliga dhexe.

Sidaas awgeed, doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo.

Aqalka wakiillada oo ku dhex yaalla xarunta Capitol

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aqalka wakiillada oo ku dhex yaalla xarunta Capitol

Waa maxay xilliga dhexe?

Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexeoo ku beegan 6da bisha Nofeembar.

Waa doorasho khaas ah oo ay dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta.

Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada, iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan.

Maxay doorashooyinka xilliga dhexemuhiim u yihiin?

1. Waxay saameyn ku yeelan karaan madaxweynenimada Trump

Natiijada ka soo baxda doorashooyinka xilliga dhexe waxay saameyn ku yeelan karaan sida uu u ekaanayo maamulka Mr Trump inta uga dhiman xilkiisa.

Taasina waa sababta haddii uu madaxweynaha ka soo jeedo xisbi aan aqlabiyad ku lahayn aqalka wakiillada ama senate-ka ay ku adkaaneyso in uu sameeyo waxa uu rabo.

Wakhti xaadirkan, labada aqal ee Kongresska waxaa maamula oo aqlabiyad ku leh xisbiga Jamhuuriga oo uu ka tirsan yahay, taageerana ka heysto madaxweyne Donald Trump.

Laakiin haddii ay arrintaas is baddasho, doorashooyinka xilliga dhexe awgood, wuxuu dhibaato badan madaxweynuhu ka mari doonaa inuu hirgaliyo waxyaabo uu doonayo, maadaama xisbiga dimuqraaddiga ay ka soo hor jeedsan doonaan qorsheyaashiisa, sida in la dhiso darbi u dhexeeya Mareykanka iyo Mexico(waxyaabaha noocaan ahna waxaa ansixintooda go'aan ka gaari doona aqalka wakiillada).

Xisbiga dimuqraaddigu waxay u maleynayaan iney sannadkan ku guuleysan doonaan aqlabiyadda aqalka Kongareeska, arrintaasna waxay war laga naxo u noqon doontaa madaxweyne Trump iyo xisbigiisa jamhuuriga.

Haddii ay dimuqraaddigu helaan aqlabiyadda, kuma ekaan doonaan oo kaliya iney qorsheyaashiisa ka soo hor jeestaan, balse waxay sidoo kale u codeyn karaan in xilka laga qaado madaxweyne Trump haddii ay fadeexado kale ku soo baxaan.

2. Waxay saameyn ku yeelan karaan ololaha doorashada xigta ee xilka madaxweynaha

Dagaalka loogu jiro kuraasta aqalka Kongareeska waxaa barbar socda, doorasho ay sidoo kale gali doonaan 36 ka mid ah 50-ka barasaab ee gobollada , kuwaasoo 26 ka mid ah ay hadda xubno ka yihiin xisbiga jamhuuriga.

Sannadka soo socda, waxaa billaabanaya ololaha doorashada xilka madaxweynaha, barasaabyada gobolladana waxay sii billaabi doonaan iney u xusul duubaan sidii uu guusha u heli lahaa murashaxa ka socda xisbigooda, iyagoo qaban qaabinaya hay'ado dhaqaale laga helo iyo dad iskood isku xil qaama oo taageero u muujiya.

Mowjado barasaabyo cusub ah oo lagu soo doorto doorashooyinka xilliga dhexe waxay saameyn xoog leh ku yeelan doonaan ololaha doorashada madaxweynaha ee la filayo iney dhacdo sannadaha soo socda.

3. Waxay saameyn ku yeelan karaan dadka ku nool mareykanka dibaddiisa

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay sidoo kale muhiim u noqon karaan dadka ku nool waddamada aan ahayn Mareykanka, sida Ingiriiska.

Sababtoo ah go'aannada ay sameyso dowladda Mareykanka waxay saameyn ku yeelan karaan dhammaan dadka ku nool caalamka, tusaale ahaan, go'aannada la xiriira haddii dal dagaal lagu qaadayo iyo haddii kale, ama in la ilaaliyo deegaanka.

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay saamaynayaan madaxweynaha iyo waxa uu samayn karo, ioy sida ay go'aamadiisa u saamayn karaan dunida.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Doorashooyinka xilliga dhexe waxay saamaynayaan madaxweynaha iyo waxa uu samayn karo, ioy sida ay go'aamadiisa u saamayn karaan dunida.

Maxaa dhacaya marka la gaaro doorashooyinka xilliga dhexe?

Suurtagal ma aha in la qiyaaso ama la saadaaliyo waxa dhici doona.

Dhammaan kuraasta aqalka wakiillada ee ay tiradoodu tahay 435 waxay u taagan yihiin doorasho.

Haddii ay xisbiga Dimuqraaddigu rabaan iney aqalka maamulaan, waa iney ku guuleystaan 23 kursi oo ay lumiyeen xisbiga Jamhuuriga.

Waxaa caawinaya in tiro badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ay sannadkan isaga tagayaan aqalka wakiillada, sidaas awgeed waxaa jira door weyn oo la ciyaari karo.

Taas kaliyana ma aha, xisbi kasta oo uu ka tirsan yahay madaxweynaha aqalka cad fadhiya waxay sannad kasta oo doorashada xilliga dhexe ay dhaceyso lumiyaan 32 kursi oo ka tirsan aqalka wakiillada, arrintaasna waxay soo socotay tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee Mareykanka oo socday intii u dhaxeysay sannadihii 1861-kii ilaa 1865-kii.

Sidaas awgeedna, hadda taas waxay faa'iido u noqoneysaa xisbiga Dimuqraaddiga, maadaama uusan madaxweynaha iyaga ka soconin.

Taas waxaa sii dheer, marka aysan madaxweyneyaashu taageero buuxda ka heysanin shacabka, dadka taageerayaashooda ah waxay caradooda kala dul dhacaan codbixinta kuraasta aqalka Kongareeska.

Trump waa mid ka mid ah madaxweyneyaasha ugu daran ee aysan la dhacsaneyn shacabka, waxaana daraasad la sameeyay heerka taageeradiisa ay gaartay 40% intii uu xilka hayay oo idil.

Madaxweyne Obama ayaa intii uu xafiiska joogay helay taageero dhan 45%.

Shacbiyadda Trump waxaa la sheegayaa inay ka hoosayso tan ninkii isaga ka horreeyey ee Obama

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shacbiyadda Trump waxaa la sheegayaa inay ka hoosayso tan ninkii isaga ka horreeyey ee Obama

Markii la gaaray doorashooyinkii xilliga dhexe, xisbiga Dimuqraaddiga ee uu Obama ka tirsanaa waxay doorashada aqalka wakiillada kala kulmeen mid ka mid ah guul darrooyinkii ugu xumaa ee soo maray taariikhda siyaasadda Mareykanka.

Sidaas awgeed, daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in xisbiga Dimuqraaddigu ay fursad fiican u heystaan iney dib ula wareegaan maamulka aqalka wakiillada.

Hase ahaatee, aqalka senate-ka sheekadiisu waa mid ka duwan tan.

35 ka mid ah 100-ka kursi ee Senete-ka ayaa doorashada u taagan.

Xisbiga dimuqraaddigu waxay u baahanyihiin iney 2 kursi oo kaliya ka helaan xisbiga ka soo horjeeda ee jamhuuriga, si ay ula wareegaan aqlabiyadda aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Laakiin sagaalka kursi ee xisbiga jamhuuriga oo doorashada ka qeybgalaya waxaa la filayaa iney dib u hantaan isla xisbiga jamhuurigu, taasina waxay Dimuqraaddiga ka hor istaageysaa iney aqlabiyad ka helaan aqalka senetka.

Haddii ay xisbiga jamhuurigu xajistaan aqalka senetka, xisbiga dimuqraaddiguna hantaan aqlabiyada aqalka wakiillada, markaas arrintu waxay noqoneysaa mid aan xalkeeda xoogaa la fahmi karin.

Waxaa markaas khatar weyn loo gali karaa in hannaanka dowladda la hakiyo, haddii ay labada dhinac isku waafaqi waayaan arrimaha muhiimka ah.

Dabcan waan ka war sugeynaa taas, ishana waan ku heyn doonnaa.

Doorashooyinkii xilliga dhexe ee 2010, Obama iyo xisbigiisa dimoqaraadiga waxaa soo food saaray guul darro ay kala kulmeen doorashooyinkii xilliga dhexe

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Doorashooyinkii xilliga dhexe ee 2010, Obama iyo xisbigiisa dimoqaraadiga waxaa soo food saaray guul darro ay kala kulmeen doorashooyinkii xilliga dhexe

Maxaa dhacaya ka dib?

Marka ay dhammaadaan doorashooyinka xilliga dhexe, qof walba wuxuu billaabi doonaan inuu ka fakaro doorashada xigta ee xilka madaxweynaha Mareykanka, taasoo dhici doonta 3da bisha Nofeembar ee sannadka 2020-ka.

Xitaa ololaha doorashada ayaa billaabanaya sannadka dambe.

Maadaama Donald Trump uu hal xilli noqday madaxweyne, wuxuu fursad u heli doonaa inuu mar kale isu soo sharraxo xilka madaxweynaha.

Qofka xisbiga Dimuqraaddiga ugu tartami doona xilka madaxweynaha, ee wajihi doona murashaxa xisbiga Jamhuuriga, waxaa lagu soo xulan doonaa doorashooyin hoose oo xiriir ah, kuwaasoo billaaban doona bisha Janaayo ee sannadka 2020-ka.