Shirkadda SOSTEC oo gabdho badan u tababartay barnaamijyo teknolojiyada ah
Published
Injineer Sahro Cabdikarim oo ah gabar baratay cilmiga Computer, horeyna u samaysay shirkad la yiraahdo SOSTEC ayaa samaysay hab la yiraahdo Bilan Codes oo gabdhaha si bilaash ah loogu baro coding ama qaabka loo abuuro barnaamijyada ku shaqeeya koompiyuutarada iyo sida loo sameeyo app-ka taleefannada.
In kabadan 30 gabdhood ayaa dhamaystay koorsooyinka la xiriira casharadaasi oo qaarkood ay socdeen lix bilood.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo booqday xarunta gabdhahan wax lagu baro ayaa warbixintan ka soo diray.