Ciyaaraha ay carruurtu ka dheelaan online-ka oo walaac laga muujiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Xasan Cabdullahi Haybe
- Role, Soosaare, BBC Soomaali
- Published
Ciyaaraha ay online-ka ka dheelaan carruurtu ayaa xannuunno iyo dhibaatooyin kale oo dhanka korniinka ah u keensan kara, haddii aysan waalidku xakamaynin arrintaas, sida uu BBC u sheegay Dr Cabdisalaan Maxamed Macallin oo ku takhasusay caafimaadka carruurta.
"Haddii aan carruurta labo u kala qaadno kuwa sii yaryar haddii ay wakhti badan isticmaalaan taleefanka ama ciyaaraha kale ee aaladaha kale laga dheelo waxay u horseedi kartaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
Indho xannuun
Hadalka oo ka daaha
Caloosha oo istaagta, fadhiga badan awgii
Firfircooni la'aan
Faytamin D-ga oo ku yaraada iyo kuwo kale
Iyo cayil saa'id ah
Carruurta waawayn marka ay aad u isticmaalaan taleefannada iyo ciyaaraha internerka laga dheelo waxay ka dhaxlaan waxbarashada ooy dayacaan, iyo waxyaabaha ay ku arkaan oo ay naftooda ku tijaabiyaan ama kuwa ka yaryar, ayuu yiri Dr Cabdi salaam oo BBC la hadlay.
"Carruurtaydu maalinka oo dhan waxay ciyaaraan game marka waxaan billaabay in aan ka qufulo" marka iskuulku fasax yahay oo kali ah ayaana u ogolaadaa." ayuu yiri aabo Soomaaliyeed.
Dr Cabdisalaan Maxamed Macallin oo ka hawl gala magaalada Nairobi wuxuu waalidiinta Soomaalida ugu baaqay in ay ka taxadaraan wakhtiga xad dhaafka ah ee ay dhallaankoodu ku qaataan ciyaaraha online-ka iyo taleefoonnada.
Dhibaatadan ma aha mid haysata carruurta Soomaalida oo kali ah ee waa mid heer caalam ah, waxaana jira dadaallo ay wadaan dalalka caalamka iyo shirkadda arrimahaas ku hawlan.
Shiinaha iyo ciyaaraha online-ka laga dheelo
Shirkadda Tencent Holdings ee Shiinaha laga leeyahay ayaa adkeyneysa xaqiijinta da'da dadka dheela ciyaaraha online-ka, xilli dalkaasi uu xakameynayo qabatinka ka dhasha ciyaarahaasi.
Horraantii sanadkan ayaa shirkadda Tencent waxa ay billowday inay diiwaangeliso dadka adeegsada ciyaarteeda caanka ah ee Honour of Kings.
Sida ay warbaahinta ku warramayso, hannaankan oo adeegsada macluumaadka u keydsan booliska si ay u hubiyaan da'da iyo heybta qofka ciyaaraya ayaa sannadka dambe lagu soo rogi doonaa dhammaan ciyaaraha online-ka ee shirkaddaasi.
Tani ayaa ka dhigan in carruurta da'doodu ka yartahay 12 jirka ay ciyaari karaan muddo saacad ah maalintiiba, halka carruurta da'daasi ka weyn loo ogol yahay ilaa laba saac oo ka baxsan habeenkii.
Shiinaha ayaa ah suuqa ugu weyn caalamka ee ciyaaraha online-ka, balse mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa si weyn uga walaacsan saamaynta dhanka qabatinka ah iyo araga ee ay ku leeyihiin carruurta.
Tencent oo cadaadis kala kulmaysa mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa bartamihii sannadkii hore yaraysay waqtiga ay carruurta ku qaataan dheelidda Honour of Kings.












