Shaqaale shaqada looga cayriyay inay seexdeen dhulka garoon ku yaalla Spain

Xigashada Sawirka, SNPVAC
Lix ka tirsan shaqaalaha Ryanair oo sawir laga qaaday iyagoo hurda dhulka garoon diyaaradeed oo ku yaalla Spain ayaa shaqada laga cayriyay, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha.
Sawirka, oo ay Ryanair sheegtay inuu ahaa mid la jilay, ayaa si weyn la iskula wadaagay baraha bulshada. Urur shaqaale oo Burtuqaal ka dhisan oo matalayay shaqaalaha diyaaradda ayaa cambaareeyay diyaaradda.
Shaqaalaha ayaa shaqada looga cayriyay sababo la xiriira anshax-xumo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Ryanair.
Ilaa 20 shaqaalaha diyaaradda ka tirsan ayaa ku xayirnaa garoonka Malaga, markii duullimaadkooda la beddelay 14 October.
Si kastaba, Ryanair ayaa sheegtay in inkastoo ay arrintaasi jirtay, haddana uusan jirin qof shaqaalaha ka tirsan oo dhulka seexday.
"Shaqaalaha waxay waqti yar seexdeen qolka shaqaalaha kahor inta aan la geynin meel gaar ah oo loogu talogalay, waxaana maalintii xigtay lagu celiyay Porto," ayay tiri shirkadda kaddib markii sawirku uu faafay.
Iyadoo xaqiijineysa shaqo ka cayrinta shaqaalaha, ayay Ryanair sheegtay in sawirku uu sababay warar ay baahiyeen warbaahinta kuwaas oo wax u dhimay sumcadda shirkadda.
Midowga Burtuqaal ka dhisan, SNPVAC, ayaa hore ugu gacan seyray warka Ryanair, iyagoo sheegay in shaqaalaha la geeyay qol intii u dhaxeysay 01:30 iyo 06:00 "iyadoo aysan jirin meel ay ku seexdaan".
Midowga ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda aan la siin cunto, biyo iyo xitaa meel ay ku fadhiistaan, iyadoo keliya ay qolka yaalleen siddeed kursi oo shaqaalaha loogu talo galay.
Si kastaba, SNPVAC ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha loo wareejiyay qol gaar ah saacaddu markey ahayd 06:00.
Diyaaradda ayaa cambaareyn la kulantay kaddib markii sawirka la isla dhex maray baraha bulshada.
Waxaa sawirka markii ugu horreysay barta Twitter ku wadaagay Jim Atkinson, oo ku eedeeyay Ryanair inaysan hoy ku filan siin shaqaalaha.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan












