Dharka lagu xardhay midabka calanka Soomaaliya oo Jigajiga qaali ka noqday

Qoraalka Codka, Dharka lagu xardhay midabka calanka Soomaaliya oo Jigajiga qaali ka noqday
Published

Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalooyinka ismaamulka soomaalida ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calamka soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale, waxaana gudaha magaalada inta badan lagu arkaa dad xiran dharkaasi.

Wariyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo wrbixintan jigjiga nooga sodiray ayaa warbixintiisa ku billaabaya Salma Yuusuf Ismaaciil oo uu weydiiyay qiimaha dharka uu ku sawiran yahay calanka soomaaliya iyo sababta uu uga qaalisanaaday dharka kale ee dumarku xirtaan.