Donald Trump oo saxiixay sharci magangalyada loogu diidayo dadka soo gala Mareykanka

Qoraalka Codka, Donald Trump oo saxiixay sharci magangalyada loogu diidayo dadka soo gala Mareykanka
Published

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay saxiixay sharci magan-gelyada loogu diidayo dadka muhaajiriinta ahi ee mareykanka ka soo gala meelaha aan ahayn xudduudaha rasmiga ah.

Sharcigaasi oo la filayo in uu dhaqan galo maanta oo sabti ah ayaa durbaba wajahaya caqabado dhanka sharciga ah.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegaya in sharcigan lagu bartilmaameedsanayo kumanaanka qof ee ka soo tallaabaya dhanka Mexico.

Balse dadka dhaliilsan Trump ayaa ku doodaya in uu jebiyay sharciga hadda u yaal dadka muhaajiriinta ee dhibaatooyinka ka soo cararay dhibaato waddamadooda ka jirta.

Arrimahaasi ayaanu ka wareysannay garyaqaan Aamiin Haaruun oo deggan dalka Mareykanka, waxa uu u waramay weriye Siyaad Siciid Saaax