Maxay Eritrea uga dhigantahay cunaqabateynta laga qaaday?

Qoraalka Codka, Qaramada Midoobay ayaa qaadida cunaqabatayntii Eritrea lagu soo rogay 9 sano ka hor
Published

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu cadeyay qaadida cunaqabatayntii lagu soo rogay Eritrea 9 sano ka hor.

Eritrea ayaa wajahaysay cunaqabatayn dhanka hubka ah,xannibad dhanka hantida ah,iyo mamnuucida dhanka safarada ah tan iyo 2009 markaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto dagaalyahanada Al Shabab ee ka howlgala Soomaaliya.

Qaadida cunaqabatayntii saarnayd Eritrea ayaa ku soo beegmaysa xilli uu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ahaa wadamadii ku baaqay in la qaado cunaqabatayntii saarnayd Eritrea.

Hadaba maxay ka dhigan tahay cunaqabataynta laga qaaday Eritrea, su'ashaasi iyo su'aalo kale ayaa waxay Faadumo Maclin Abuukar u bandhigtay Prof Cabdi wahab Cabdi Samad oo arrimaha gobolka ka faalooda.