Dibadbaxayaal ka careysan ganacsatada ka soo jeeda qaaradda Aasiya oo Uganda ka dhacay

Uganda

Xigashada Sawirka, AFP

Published

Xiisad sare ayaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay magaalada Lira ee waqooyiga dalka Uganda, kaddib markii dad fara badan ay isku dayeen inay weeraraan guryaha iyo ganacsiga dadka asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Aasiya.

Waxaa la kordhiyay ciidammada milateriga iyo booliska ee halkaasi jooga, dad goobjoogayaal ahna waxay sheegayaan inay maqleen dhawaqa rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa.

Dadka ku nool magaalada Lira ayaa waxay ka caroodeen eedo ah in laba nin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya ay toddobaadkii hore halkaasi ku dileen wiil yar.

Dibadbaxyada ayaa bilowday wax yar kaddib markii tacsi loo dhigay Dickens Okello oo 11 jir ahaa, iyadoo dadka isku soo baxay ay dhagxaan ku tuurayeen, iyagoo gubaya oo dhacna u geysanaya Hindida iyo Pakistaaniyiinta.

Afhayeenka booliiska Uganda ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka Aasiya ka soo jeeda ay magangalyo u aadeen saldhigga booliiska, iyadoo xoogagga ammaanka ay ilaalinayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan.

Goobjooge ku sugan magaalada Lira - oo ah xuddunta dibadbaxyada, ayaa sheegay in xabbado lagu riday dadka dibaxbaxayay si loo kala cayriyo. Ugu yaraan saddex qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen xabbadahaas.

Labo nin oo Hindiya u dhashay ayaa xabsiga loo dhigay dilka wiilka yar, waxayna sugayaan in maxkamad la soo taago.

Waxaa sidoo kale jira caro ka dhalatay booliiska oo ay dadku aaminsna yihiin inaysan waxba ka qaban oo aysna baaritaan ku sameynin dilkaasi.

Magaalada Lira ayaa waxaa ku nool in ka badan 300 oo Hindi iyo Pakistaaniyiin isugu jira. Sida qaybaha kale ee dalka, xiriir aan wanaagsanyen ayaa u dhaxeeya ayaga iyo dadka Uganda, sababo la xiriira in dadka qaaradda Aasiya ka soo jeeda ay si xun ula dhaqmaan bulshada dalkaasi, iyagoo dowladdana ka hela daryeel gaar ah.