Maxay tahay kaalinta dumarka soomaalidda ee siyaasadda Maraykanka ?

Qoraalka Codka, Maxay tahay kaalinta dumarka soomaalidda ee siyaasadda Maraykanka ?
Published

Guushii siyaased ee ay dhawaan gaadheen qaar ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa soo jiidatay indha qaar ka mid ah shakhsiyaadka iyo ururrada u ololeeya xaquuqda dumarka.

Dadka taariikhda ku galay doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan Mareykanka ka dhacday waxaa ka mid ah Ilhaan cumar oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirta Koongareeska mareykanka, arrintaas oo ay u riyaaqeen dad badan oo Soomaali ah iyo ururrada u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka.

Dadka loo aaneynayo guusha Ilhaan waxaa ka mid ah Habboon Cabdulle oo ah madaxa hay'ad la yirahdo Women Organizing Women Network oo ka hawlgasha Minneapolis, una dhaqdhaqaaqda abaabulka iyo gacansiinta dumarka, waxay arrimahaasi uga warantay weriye Siyaad Siciid Saalax.