Shirkad maxali ah oo carwada ganacsi ee Hargaysa kusoo bandhigay aalado casri ah
Published
Magaalada Hargaysa waxaa wali ka soconaya carwo ganacsi oo shirkado badan oo maxali ah ay kusoo bandhigayaan adeegyadooda.
Carwadaan ganacsi ayaa shirkadaha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Ammaano Systems oo soo bandhigtay adeegyo electronic oo ay ku jiraan albaabada meelaha fog laga hago ee remote kontaroolka ku shaqeeyo iyo xeyndaab electronic ah oo guryaha looga ilaaliyo tuugada.
Haddaba, Guuleed Xasan Yusuf oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkada Ammaana Systems ayaa uga waramay Weriye Cabdilaahi Jaamac oo booqday carwadaasi adeegyada ay shirkadani soo soo bandhigtay.