Haweeney ehelkeeda ay tacadiyo kala kulmeen maamulkii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida

Qoraalka Codka, Haweeney ehelkeeda ay tacadiyo kala kulmeen maamulkii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida
Published

Tan iyo intii uu xilka qabtay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed waxaa dalkaasi ka dhacay isbeddello badan.

Dad badan oo tirsanayay tacaddiyo loo geystay ayaana dhawaanahan bilaabay inay ka hadlaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cusbur Sheekh Muuse Macallin Cismaan oo walaal la ah Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, waxa ay uga warantay dhibaatooyinkii ay iyada iyo qoyskeedu la kulmeen10-kii sano ee lasoo dhaafay, weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayayna u warantay.