Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsan ciidamada badda ee dalka Netherlands ee ilaaliya badda Soomaaliya

Qoraalka Codka, Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsan ciidamada badda ee dalkaNetherlands ee ilaaliya badda Soomaaliya
Published

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa muddo sanado ah hawlo burcad la dagaallan ah ka waday badaha Soomaaliya, waxaana ay ka gaareen guullo la taaban karo.

Haseyeeshee Soomaalida kalluumaysatada ah ayaa ka cawda in ciidankan aanu waxba ka qaban maraakiibta sida sharci darrada ah uga jillaabata badaha dalka, taasina ay dhibaato weyn keentay.

Maxamed Cabdi Shire waa sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee waddanka Netherlands, waxaana uu qeyb ka yahay ciidamada badda ee Midowga Yurub ka jooga badweynta Hindiya.

Maxamed ayaa u warramay weriyaha BBC Bashkas Jugsoodhacay oo ku wareystay markab dagaal dushii.