Wufuud ka socotay Midowga Yurub oo dhawaan gaaray Dowlad deegaanka Soomaalida
Published
Toddobaadyadii la soo dhaafay iskudhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay dad badan, kumannaan qof oo kalana waxaa qasab ku noqotay inay guryahooda isaga qaxaan.
Wufuud ka socotay Midowga Yurub ee booqatay gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya halkaas oo ay u kuurgaleen dhibaatada haysata dadka ay colaaduhu barakiciyeen.
Wafdigu waxaa la kulmay Maxamed Fataax oo ah madax xafiiseedka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta musiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxay ka wadahadleen wafdigaasi xaaladdaa barakacayaasha , wuxuu warrmay weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.