Heesta dhageyste uu u qaaday BBC Somali
Published
Cabdkariin waa majaajilayste ku nool magaalada hargeysa, Waxa uuna jilaa ruwaayadaha qaybta qosolka, sidoo kale waxa uu heesaha caanka ah u rogaa qaab kale oo majaajillo ah si uu dadka uga qosliyo.
Cabdikariin oo idaacadda BBC-da muddo dheer ku xirnaa dhagaysigeeda ayuu dhawaana hees u sameeyay.
Wariyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa, Sidiiq Maxamed Burmad ayaa la kulmay oo warbixintan inooga diyaariyay.