Cunsuriyiin la kulmay wax aysan filayn

.

Xigashada Sawirka, Google

Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Hutteel lagu magacaabo DoubleTree ayaa shaqada ka diray labo ka mid ah shaqaalahooda, kaddib markii lagu soo eedeyey in nin Afrikaan ah ay si cunsurinimo ah ula dhaqmeen.

Jermaine Massey, oo 34 sanno jir ah ayaa waxa lagu eedeeyey inuu ka dhaga adeygay in huteelka uu ka baxo, waxaana markii dambe dhismaha huteelka ka saaray ilaalada oo dibadda u bixiyay.

Mr Massey ayaa sheegay inuu teleefoonka kula hadlayey hooyadiis, uuna daganaa huteelka, isla markaana uusan ogeyn waxa lagu heysto.

Nin ka mid ah ilaalada oo lagu magacaabo Earl Meyers, ayaa Mr Massey ku tilmaamay inuu halis gelinayay ammaanka hutteelka, loogana baahanaa inuu sheego qolka uu ka dagan yahay hutteelka.

Mr Massey ayaa si khasab ah loogu ka xeeyay qolkiisa, waxaana lagu amray inuu alaabtiisa soo baxsado, isagoo sidoo kalena laga dalbaday inuu cabashadiisa dib ka soo gudbiyo.

Mr Massey ayaa baraha bulshada ku shaaciyey muuqaal muujinaya dhacdadan, wuxuuna bartiisa Twitter-ka ku qoray; "Waxaa la iila dhaqmay si cunsurinimo ah".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

.

Maamulka hutteelka ayaa 29-kii bishan Diseembar waxa ay barta Twitter-ka ku qoreen, "Uma dulqaadanayno cunsurinimo" "Waxaana ka bixinaynaa raali galin.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

.

Dadka isticmaalka baraha xiriirka bulshada ayaa cambaareeyay dhacdadan.

Garyaqaankii u doodayay Mr Massey ayaa hutteelka ku amray inay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaan.

Maamulka ayaa sheegay inay baarayan falal kale ee cunsurimo ah oo lagula kacay macaamil badan oo daganaa hutteelkan, iyagoo raalli galin ka bixiyay dhacdadan ugu dambeysay.