Xeerka cusub ee dhismaha Hay'adda Qaran ee dadka Naafada ah muxuu ka dhigan yahay?
Published
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxiixay sharci lagu aas aasayo Hay'adda Qaran ee dadka Naafada ah, kaasoo dhowaan ay soo ansixiyeen Labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Haddaba tallaabadan maxay uga dhigan tahay dadka Naafadda ah, su'aash iyo kuwa kale ayaa Mowliid Xaaji Cabdi wuxuu ku waydiiyey C/raxmaan Faarax Luunge oo ah agaasimaha xafiiska dadka naafadda ee madaxtooyada Soomaaliya, oo ku sugan magaalada Muqdisho.